Daneystayaasha dalka wada leh (Faallo)

Markii wiil ama gabari dhalato waxaa loogu duceeya Allow, ka dhig mid Dalkiisa, Dadkii iyo Diintiisa Afaca ama Afacda.

Dal, waa  Dhul” ay wada leeyihiin (Aadanaha) iyo sanku neefalaha kale ee (Ilaahay) ku beeray}, si kale haddii -aan u dhigo Dal ama Waddan waxaa wada leh Dadka Rabbi ku beeray mid marti usoo noqday  deedna deegaanka ku noqday iyo Xawayaanka midka la mannaafacaadsado iyo midka Duurjoogtaba.

Dal, Dad ayaa masuul  ka ah, Dadkuna kuligiis masuuliyiin ma noqdan ee waxaa laga soo dhex xulasha intii mas,uuliyadda qaadi lahayd xilkuna waa mid meerto u ah dhammaan mawaadiniinta Dalka wadaleh.

Danta Dadku  waa mid loo simanyahay danta Dadweynaha waxaa wakiil ka ah (Dad) ku fekero inay hormariyan daacadna u noqdan Dadkooda iyo dalkooda, iyo diintooda.

Qof weliba oo Rabbi abuuray) wuxuu leeyahay garasho iyo Dan u gooniya, laakiin waxaa jira Dad gooniya oo  Danahooda iyo garashadooda Dadweynaha ugu shaqeeya waana kuwa Aadamaha hormarka iyo baraaraha garsiiya, diiwaankana lagu qoro.

Taas bedelkeed waxaa jira Dad dantooda kadhex raadsada Dadweynaha, Dadkuna moodayan dacad aan wax u dahsooneyn markii aad eegto hadalkooda iyo is bihin bihintooda iyo waxad moodaysa kuwo daacada laakiin ayaa kuwaas gabay ku tilmaamay, Abwaankii Qarnigii 19,naad Qamaan Bullax “ waa tuu lahaa Baadida nin baa kul daydaya,daalna kaa badane, Aan doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye Dadkuna moodi duul wada dhashaan, wax u dahsoonayne Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo kitaab dayo’e{:::}-

Siyaasiinta Soomaalidu waa Daneysayaal Dal wada leh mid kastana wuxuu doonaya inuu yeesho doorkiisa Dalnimo dadaalnimo iyo Dawladnimo, mid – midka kale daacadnimo ula shaqaynaya waa ku yar yahay kuwa Dawladda kawada tirsan mid kasta midka kale ayuu daba maryeyn, ku haya.

Kasoo bilow Dawladdii Kacaanka kuna keen dawladdan shacabku tageersan yahay  waa inagu yar yihiin waddaniyiin Dalka wada leh oo Danta Dalka daacad ka wada ah.

Shalay midkii lahaa dastuurku waa lama tabtan iyo xeer isu haya Dalka ayaa maanta dacfaruur ku wada Dalkii Soomaaliya.

Ugu dambayntii haddii Dawladda Dalka ka jirta hada ee Federalka ay fashiliyan kuwa daneystayaasha waxaa halis gali doona midnimada Soomaaliya.

W/Q/  Cabdinuur Faarax Maxamuud
Abdinuur02@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid