Danjire Cuthman, Axmed Madoobe iyo Cabdi Weli Gaas oo wada qaatay kulan fashilmay (Xog)

Muqdisho(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in madaxtooyada maamulkaasi ay kulan gaar ah kuwada qaaten madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Maxamed Cuthman.

Shirka seddexda mas’uul oo aan qaadan wakhti badan ayaa waxaa la sheegayaa in Danjiraha uu shirkaasi ka ahaa xal doon, hayeeshee xal raadintaasi ay isku fahmi waayen labada madaxweyne Goboleed.

Danjire Cuthman oo walaac gaar ah ka muujinaaya kala aragti duwanaanshiyaha DF iyo Maamulada dalka, ayaa waxa uu Axmed Madoobe iyo Gaas kala hadlay in la muujiyo dabac siyaasadeed, hayeeshee waxaa la soo warinayaa in Madoobe iyo Gaas ay ku gacanseeren xalka uu raadinaayay Cuthman.

Cuthman waxa uu labada madaxweyne Goboleed u sheegay in marnaba aysan suuragal noqon karin in DFS ay tanaasul ka muujiso qodob waliba oo ay ku dhagaan maamulada waxa uuna rajo xumi gaar ah ka muujiyay in mar kale ay labada dhinac is horfadhiistaan.

Cuthman oo aan guul ka gaarin shirkii uu la qaatay labadaasi madaxweyne maamul Goboleed, waxaana lasoo sheegayaa in Cuthman uu dadaal ugu jiro in shir kale la’isugu yimaado oo ka dhaca Magaalada Baydhabo.

Cuthman oo ku fashilmay shirkii uu la qaatay Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ayaa waxa uu xusul duub ugu jiraa sida Dowlada Emirate-ka Carabta ay ku maalgalin laheyd kulan laga yaabo inuu ka dhaco magaalada Baydhabo.

Tan iyo Khamiistii waxaa socotay dood kulul oo la xiriirta in Xildhibaanada lagu soo doorto nidaamka beelaha ee 4.5 iyo in lagu soo xulo hannaanka deegaanada, hayeeshee rajo dhamaanteeda waxa ay kusoo idlaatay Fashil, waxaana lagu wadaa in Danjire Cuthman oo quus taagan uu maanta dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com