Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xassan Kheyre ayaa ballanqaad ka helay Safiirka Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Oglan Bekar.
Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa waxaa loo ballanqaaday in laga kabi doono dhammaan baahiyaha ay Xukuumadiisa u baahan tahay, iyadoo la xoojinaayo xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Safiirka Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya Ambassador Oglan Bekar, ayaa sheegay in Dowlada Turkiga ay diyaar u tahay garab istaaga dowlada Somalia, waxa uuna cadeeyay in mowqifka dowlada Turkiga uu yahay sara qaadka Horumarka Somalia.
Ambassador Oglan Bekar, ayaa sheegay in Somalia ay ugu jirto kaalinta koowaad marka la eego xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada dal, waxa uuna ballanqaaday inay muujin doonaan dadaal kii ugu danbeeyay si Somalia ay uga hanaqaado halka ay iminka taal.
Ambassador Oglan Bekar, waxa uu sidoo kale sheegay inay qaadi doonaan tallaabo lagu xoojinaayo Khibrada iyo howlaha Xukuumada Somalia oo uu sheegay inay tahay mida ugu muhiimsan ee looga fadhiyo go’aanada lagu hormarinaayo Somalia.
Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa isna ballanqaaday inay muhiim tahay in Ambassador Oglan Bekar, uu si joogta ah ula socdo xaalada Somalia, isla markaana ay DFS muhiimad gaara siineyso dowlada Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa dhawaan dowlada Somalia u ballanqaaday bixinta dhaqaale xoogan oo lagu kabaayo miisaaniyada shaqaalaha iyo Ciidamada Qaranka.
Labada dal ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir aad u fog, waxaana xusid mudan in dowlada Turkiga ay tahay dowlada keliya ee is garabtaagtay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]