CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday waxqabadka dowladda Farmaajo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa musharixiintii doorashadii dhawaan uu ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadal dad badan la yaabeen soo dhigay bartiisa Facebook.

Siyaasigaan ayaa barta ee Bulshada ku xiriirto ee Facebook soo dhigay qoraal sarbeeb ah oo lagu micneeyey inuu yahay sida muuqato dagaal uu ku qaaday dowladda uu hogaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkaan ku sheegay in dowladda Farmaajo ay tahay kaliya dowlad waxqabadkeeda kusoo koob matay Facebook iyo Twitterka.

Wuxuu dalbaday inaan Facebook iyo Twitter lagu haleyn shacabka Soomaaliyeed, waxayna midaas u muuqatay in dowladda Farmaajo aysan weli qaban wixii looga baahnaa oo ay ku kooban tahay kaliya baraha Bulshada.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inuu hadalkaan yahay mid weerar ku ah dowladda Farmaajo, waxaana uu siyaasigaan aaminsan yahay in dowladda Farmaajo aysan wax qaban marka laga reebo dhaqdhaqaaqa ay ka waddo baraha Bulshada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com