Xog: Xasuus uu reebay Xasan oo sababtay in Farmaajo safarkiisa 1-aad Baydhaba ku tago

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay waxyaabaha sababay shalay inuu safarkiisa koowaad ku tagaa magaalada Baydhabo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in arin xasuus ah oo uu reebay Xasan Sheikh maxamuud iney qasabtay in safarkiisa koowaad uu ka dhigaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaana xasuustaasi uu ku sheegay inay aheyd in madaxweyne Xasan Sheikh markii ugu horeysay inuu tagay magaalada Baydhabo isagoo kala tashanayay shacabka Koofur Galbeed cidda uu ra’iisul wasaare ka dhiganayo.

Waxaana shacabka Koofur Galbeed ay dalbadaan xiligaasi in Farmaajo laga dhigaa ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, taasi oo xasuus ku reebtay Farmaajo sida uu sheegay.

“Waxaan xasuustaa markii la doortay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud safarkii uu halkan [Baydhabo] ku yimid isaga oo la tashi dadka kala sameynaya cidda uu ra’iisal wasaaraha ka dhigayo in aad u sheegteen Farmaajo ayaa rabnaa”

“Xasuus gaar ah ayeey ii leedahay waana tan keentay in aan safarkeygii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa halkanka bilaabo”ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com