25.3 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Kulankii DF iyo maamul goboleedyada oo lagu kala booday iyo hal qodob oo leysku fahmi waayay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in khilaaf ba’an uu ka dhextaagan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Khilaafka xoogiisa ayaa u dhexeeya Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DFS iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga ee maamul Goboleedyada dalka.

Khilaafka ayaa ka dhashay cida bixin laheyd Canshuuraha iyo Laysimadda la siinayo Maraakiibta ka kalluumeysta Badda Somalia.

Kulan khaasa oo dhexmaray Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa kusoo dhamaaday fashil kadib markii leysku fahmi waayay qaabka loo bixinaayo Laysimadda la siinayo Maraakiibta.

Kulanka oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Xarunta AMISOM ee Xeradda Xalane, waxaa soo qabanqaabiyey QM iyo Hay’adda Kaalmadda Maraykanka ee USAID, inkastoo uu kusoo idlaaday fashil.

Khilaafka iyo kala boodka madaxda labada dhinac ayaa yimid kadib markii Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda uu soo jeediyay in Canshuuraha iyo Laysimadda la siinayo Maraakiibta ka kalluumeysta Badda Somalia ay bixiso Wasaarada.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DFS ayaa sidoo kale soo jeediyay in Wasaaradu ay si sharci ah u maamuli doonto dhammaan Maraakiibta halka maamul Goboleedyada dalka ay howshaasi uga danbeyn doonaan DFS.

Mas’uuliyiinta Maamulada Puntland, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo K/Glbeed, ayaa ku gacansayray Qorshahaasi, waxayna sheegeen inaysan DFS la maamuli karin Badda iyo Xeebaha.

Maamulada dalka ayaa inta badan faraha la gala howlaha loogu talo galay Wasaarada Xukuumada Somalia, waxa ayna halis ku yihiin Qaranimada Somalia.

DFS wali kama aysan hadal kulanka fashilmay ee u dhexeeyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News