Xog: Liibaan madaxweyne oo xil loo magacaabay iyo wada-hadalo wali socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno wadahadalka garwadeenka ay ka tahay dowladda Soomaaliya ee u dhaxeeya Ahlu sunna iyo Galmudug ayaa laga gaaray guulo hordhac ah.

Waxaana la dareemaya isku soo dhawaansho u dhaxeysa labada dhinac ee Ahlu sunna iyo Galmudug, waxaana la aqbalay qaar kamid ah sharuudaha ay soo bandhigeen maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Qodobada ay soo bandhigeen Ahlu sunna ee la aqbalay waxaa kamid ah in Ahlu sunna la siiyaa abaanduul ciidan, waxaana loo aqbalay in la siiyo abaanduulaha guutada lixaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno abaanduulaha guutada lixaad ee ciidamada xooga dalka ayaa loo magacaabay Liibaan Madaxweyne, waxaana uu qeyb ka yahay heshiiska hordhaha ah ee Ahlu sunna iyo Galmudug.

Wararka kale aan heleyno ayaa sheegaya in la isku mari la yahay halka noqoneyso xarunta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha, waxaana Galmudug madaxda ka socoto ay ku andacoonayaan in doorashada ay ka dhaceyso magaalada Cadaado, halka Ahlu sunna ay dooneyso in lagu qabto DHuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com