28.9 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

Xog: Ra’iisul wasaare Xamza oo ku wajahan Dhuusamareeb + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeyay Madaxweyne Axme Qoor Qoor iyo Villa Somalia.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay safarka Ra’iisul wasaaraha, iyadoo ujeedka uu yahay xal u raadinta xiisadda Galmudug.

Maalmahan Ra’iisul wasaaraha ayaa Muqdisho ka waday kulamo kala duwan oo xaaladda lagu dajinayo, isaga oo kaashanaya agaasimaha NISA Mahad Salaad.

Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ku sugan deegaannada Galmudug.

Sida qorshuhu yahay Xamza ayaa la fariisan doono Madaxweyne Qoor Qoor oo dhawaan dhabarka xijiyay Villa Somalia, maadaama ay isku qabteen sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka Galmudug ee dhawaan dhici doono.

Villa Somalia ayaa dooneysa in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July lagu doorto musharrax ka iman doona urur-siyaasadeedka JSP. Waxaa aad loo hadal hayaa in musharraxaasi noqon karo ganacsade Liibaan Axmed Xasan, haddii uusan isbeddelin mowqifka taageerada madaxtooyada ee ku aaddan ninkaas.

Dhanka kale, Qoorqoor, oo hadda ah Madaxweynaha Galmudug ayuu Dastuurka maamulkaas u oggolaanayaa inuu mar labaad tartamo, taas oo keenta in labada dhinac ay ku kal fogaadaan arrimaha doorashooyinka.

Dadka reer Galmudug ayaa isha ku haya xiisadda taagan, oo ay garowsan yihiin inay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka dowlad-goboleedka Galmudug, isla markaana ay sii kala fogeyn karto bulshada maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News