Dastuurkee hal beel siiyey hoggaanka GALMUDUG?

Waxaa wax lala yaabo ah in masiir ka dhaxeeyo beelo soomaaliyeed ay hal beel ku soo noq noqoto madaxnimada.

Waxaan is weydiiyey ma dastuurka Galmudug buu ku xusan yahay beeshaas beel aan ahayn in aysan  qaban Karin madaxnimada Galmudug oo beelo fara badan ay ka dhaxeyso ! Waan ka waayey dastuurka qodobkaas.

Waxaan kaloo is weydiiyey “Haddii aan beeshaas laga dhigin Madaxweyne, ma wax aan dhici jirin ayaa dhacayo!. Qodobkaasna jawaab waan u waayey.

Waxaan kaloo is weydiiyey beelaha dego Galmudug ma waxaa laga waayey qof lagu aamini karo masiirka Galmudug. Qodobkaasna jawaab waan u waayey.

Waxaan kaloo is weydiiyey intii xilka ay isku bed bedelayeen, mexey u qabteen Galmudug ? Qodobkaasna jawaab waan u waayey oo waxaa ii soo baxdey eber.

Isku soo xoori “Sanado naga qasaarey dheh”. Bal ila eega Mas’uuliyiintii soo qabatey xilka Madaxweynaha Galmudug dhamaantood heshiis ma ahan, midba midka kale ayuu colaad u hayaa, waana hal qoys. Yaab anagaa aragney.  Maamulada ka jiro dalka waxaa ugu liito waa Galmudug oo is jiid jiid ay ragaadisey.

Guntii iyo Gabagabadii  dhamaantood waa adeeradey hadana caddaalad darro ma ogoli, waxaanse ku talin lahaa in laga hor leexdo bulshada Galmudug, yaan waqti kale laga qasaarin, si ay masiirkeeda uga tashato.

Waxaa Qorey: Abdulahi Siciid Cilmi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid