Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay ciidamada DF oo gadoodka sameeyey

Jowhar (Caasimada Online) – Masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay qalqalka dhanka amaanka ee kusoo kordhay deegaanada maamulkaasi oo ay ka baxeen ciidamada meletariga Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Jowhar ayaa sheegay in ciidamada ay ka baxeen saldhigyo badan.

Balse wuxuu cadeeyay in ciidamada deegaanada ay baneeyeen inay joogaan ciidamo ka tirsan Meletariga oo uu sheegay inay Mushaaraad qaateen iyo kuwo katirsan Howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Cali Guudlaawe, ayaa beeniyay warar sheegaya in cabsi xoogan ay soo wajahday shacabka ku dhaqan degmada Jowhar, kadib markii ciidamada amaanka ay isaga baxeen saldhigyada hoostaga degmada Jowhar iyo Balcad.

Balse waxaa jira qalqal amaan oo kusoo kordhay deegaanada ku yaala inta u dhaxeyso Balcad iyo Jowhar, maadaama saldhiyadii Qalimow iyo Garsaale ay kabaxeen ciidamada xooga dalka.

Wuxuu sidoo kale wuxuu beeniyay in isaga uu qalqal amni darteed uu isaga baxay degmada Jowhar, waxaana uu sheegay in si qaldan loo farisay kormeer uu ku sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qaatay mushaaraadka ayuu sheegay inay wali xaqiijinayaan amaanka saldhigyada ciidamada ay baneeyeen islamarkaana aysan jirin qalqal amaan.

Caasimada online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com