David Taylor – “Waxaa lagu jir dilayaa Muqdisho, ayada oo DF ay ku qasbeyso inuu la shaqeeyo hay’adda CIA-da”

London (Caasimada Online) – Muwaadin British ah ayaa sheegay in lagu jir dilay Soomaaliya, oo ay su’aalo ku weydiiyaan saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka, waxaa sidaas weriyey wargeyska The Guardian.

Ninkan oo 45 jir ah kana soo jeeda magaalada London ayaa sheegaya in gacanta mas’uuliyiinta Soomaaliya uu ku asiibay ficillo ay ka mid yihiin inay madax uga ganbiyeen dhar, u adeegsadeen aaladaha qofka dareenka tira, madaxana u geliyeen biyo, si looga dhaadhiciyo inuu la shaqeeyo CIA-da Mareykanka. 

David Tylor, oo magaciisa saxda la beddelay kadib codsi ka yimid qoyskiisa, ayaa waxa uu muddo laba sano ah ku xiran yahay Soomaaliya, ayada oo aan wax dacwado ah lagu soo oogin. 

David ayaa ka cabsi qaba in haddii aysan dowladda UK soo faro-gelin xaaladdiisa uu wajahayo dil toogasho oo ay ku xukunto maxkamadda militariga Soomaaliya, ama loo dhoofiyo Mareykanka.

Qoyskiisa oo ku sugan London ayaa sheegaya “inay ka qalbi-jabeen” xaaladdiisa, waxayna Xafiiska Arrimah Dibedda UK ku eeedeeyeen “inuu gebi ahaanba dayacay.”

Warqado sharci ah oo sharxaya xaaladdiisa ayaa toddobaadkii tegay loo gudbiyey Xafiiska Arrimaha Dibedda, waxaana loogu sheegay inay haystaan illaa Arbacada soo socota, si ay uga jawaabaan “fashilka weli taagan” ee ay ku wajaheen arrintiisa.

Warqadahan oo ka kooban sagaal bog ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka ay aad u daneynayaan arrinta David. Waxaa lagu sheegay warqadaha in 30-kii June, “laba sarkaal oo Mareykan ah oo isku sheegay inay ka tirsan yihiin FBI-da” ay su’aalo ku weydiiyeen Muqdisho.

Dokumentiyada ayaa lagu yiri “waxay weydiiyeen inuu jeclaan lahaa inuu ku noolaado Mareykanka. Waxay tuseen sawirrada shaqsiyaad kala duwan, oo ay weydiiyeen haddii uu garanayo.” 

Mid ka kid ah sawirrada la tusay ayaa ah Mahdi Hashi, oo ah muwaadin British ah oo kaso jeeda xaafadda Camden ee waqooyiga London, kaasi sanaddii 2012 si sir ah loogala baxay Jabuuti looguna qaaday Mareykanka, kadib su’aalo culus oo ay weydiiyeen CIA-da Mareykanka. 

Mahdi ayaa waxaa loo xiray inuu taageerayey kooxda Al-Shabaab. Hase yeeshee waxaa la sii daayey sanadkii tegay. 

Inkasta oo aan wax sabab ah – ama caddeymo ah laga siin sababta loo xiray – haddana sawirrada la tusay David ayaa muujinaya in CIA-da ay tuhmeyso inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab. 

Wiil uu dhalay David, oo codsaday inaan la magacaabin ayaa yiri “aabahey waxaa lagu hilmaamay xabsi dal shisheeye, isaga oo ku sugan xaalad halis ah, wax dacwado ahna aan lagu soo oogin. Waa muwaadin British ah, wax taageero ahna kama haysto dalkiisa.”

Waxa uu intaas ku daray “waxaan Xafiiska Arrimaha Dibedda wacayey maalin kasta si aan uga baryo inay sameeyaan wax kasta oo ay karaan si loo soo daayo aabahey, oo dalkiisa loogu soo celiyo.” 

Xafiiska Arrimaha Dibedda UK, ayaa ka war-hayey xariga David tan iyo bishii April 2019, iyo tuhunada ku saabsan jir-dilka tan iyo bishii December 2020, markii ay xaaskiisa oo ku sugan London la xiriirtay.

David Taylor ayaa Soomaaliya u guuray 2009, halkaasi oo uu deganaa, hase yeeshee 13-kii April 2019 ayaa la xiray kadib markii uu Yemen u aaday inuu soo cusbooneysiisto baasaboor ka dhacayey, si uu London ugu laabto. 

Waxaa saddex bil kadib loo wareejiyey saldhig militari, waxaana sida ku cad warqadha sharciga ah “loo sheegay in qof ka tirsan CIA-da Mareykanka uu doonayo inuu arko. Qofkaas ayaa isku sheegay ‘John’. Wuxuuna ku hadlayey lahjad Mareykan ah.”

19-kii September 2019, waxaa loo wareejiyey Muqdisho, kadibna isaga oo indho xiran, gacmo xiran ayaa loo qaaday magaalada Janaale. 

Dabaa-yaaqadii 2019 ayaa mar kale David waxaa loo soo wareejiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho, oo la rumeysan yahay inuu hadda ku jiro.