QM oo war ka soo saartay tallaabadii uu qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey tallaabadii uu shalay qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble ee uu ku magacaabay guddiga ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, inta lagu guda jiro howlaha doorashooyinka dalka.

Qoraalka Qaramada Midoobey ayaa lagu balan qaaday inay sii taageeri doonaan haweenka Soomaaliyeed, si qoondadooda ay u helaan matalaadooda.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa magacaabista uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble,13 xubnood oo ah guddi u qareemis, kaas oo ka shaqeynaya xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee kuraasta baarlamaanka federaalka ay haweenku ku yeelanayaan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay QM.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qaramada Midoobay waxa ay ku celineysaa taageeradeed buuxda ee ka qeybgalka haweenka Soomaaliyeed iyo matalaadooda doorashooyinka soo socda.”

Ra’iisul wasaaraha XFS Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, kaas oo ka shaqeyn doona xaqiijinta qoondada haweenka inta lagu guda jiro doorashooyinka dalka.

13-ka xubnood ee uu ka kooban yahay guddigaas hal ka mid ah waa rag, halka inta kale ay yihiin haween, waxaana guddoomiye looga dhigay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ku magacaaban guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso magacyada guddigaas