Maxaa lagu go’aamiyey shirkii xalay dhex maray ROOBLE iyo madax goboleedyada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa war ka soo saaray shir aaladda fogaan aragga ee Zoom-ka ay xalay ku yeesheen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxayna ka wadahadleen dardar gelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida lagu sheegay qoraal uu baahiyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble dhinacyadu waxay isla garteen in deg deg loo bilaabo doorashada Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, maanta lagu waday inay bilaabato.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga kula shiray madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada Aqalka Sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo asteeyey in la bilaabo doorashada Senatorrada Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xukuumadda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxda ayaa isla qaadatay in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS.”

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa bulshada iyo madaxda maamulka Galmudug ku amaanay dagaalka ay kula jiraan ururka Al-Shabaab, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday bariga iyo koonfurta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug.

“Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hoo’ba leh la garab taagan yihiin,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu xafiiska Rooble ka soo saaray shirkii xalay ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ayaa horay loogu asteeyey in 25-ka bishan oo maanta ku beegnayd ay ka bilaabato deegaanada dowlad goboleedyada dalka, balse waxaa ku yimid dib u dhac aan la shaacin caqabada keentay, balse waxay wararku sheegayaan in dowlad goboleed kasta uu ka caga jiidayo inuu bilaabo doorashada kuraasta Aqalka Sare.