Dawlad hilmaamtay dantii guud kuna hawlan danta gaarka ah (Warbixin)

Hargeysa waa magaalo weyn oo camiran, marka loo eego deegaanada ay Soomaalidu dagto, magaaladan oo lagu qiyaaso inay ku nool yahiin malyuun qof ayaa ah mid adeegyada aasaaasiga ah ay yahin kuwo liita.

Waxa ay markiiba indhahaagu qabanayaan in dhismayaasha, gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo waxyaabo kale badan? ay sii tiro badanayaan, balse waxa si cad ugu muuqanaaya qof kasta oo magaaladan isa soo dhextaaga in la ilaabay dantii guud iyo waxyaabhii ka dhaxeeyay dadka dhulkan ilaahay ku abuuray.

Waxa ay indhahaagu qabanayaan fooqaq dhaadheer oo aad loo qurxiyay oo wadada hormartaa ay aad u burbursan tahay oo aan haysan biyo ku filan, cisbitaalka guud ee magaaladu waa mid adeegyadiisa caafimaad iyo nadaafadiisuba ay aad u liitaan, indhahaagu waxay qabnayaan qashinka oo meelwalba tuulan dadkuna aanu dareensanayn.

Magaaladan Hargaysa ayaa ah mid dhismaysay tan iyo intii ay Somaliland ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay dawladnimadii ka luntay, waxaanay dadku si tartiib-tartiiba ah u bilaabeen inay dhistaan ama horumariyaan waxyaabhii gaarka loo lahaa.

Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland dhibaatada ugu badan ee dadku isku qabsadaa waa dhulka, magalada hargiesa ee gobolka Maroodijeex ayaa haddaba markii ugu horeysay isqabsiga dhulku sare u kacay waayo dhulku waa aafada ugu wayn ee ay dadku isku qabsadan waana shay ay adag tahay soo afjaridiisu sidaana waxa sheegay gudomiyaha maxakamada sare Mr Aadan xaaji cali sanadkii ina dhaafay.

Hadaba dhulkii Somaliland waxa uu gacanta u galay dad la leeyahay waa dad ganacsato ah oo sida ay doonaan ugu tagri falay una isticmaalay una adeegsada habka ay doonaan waayo waxa ay waayeen dawlada ku gaadh garaysa oo ku daba joogta kuna ilaalisa xeerarka iyo shuruucda dalkan u yaala kana soo saarta qawaaniin adag oo lagu yaraynayo lahaanshaha sida dhibta ayar layskaga sheeganayo dhulkii ummadaha ka dhexeeyay.

Dhulkii dawlada ay masuulka ka ahayd waxa uu gacanta u galay dad gaar ah oo ku magacaaban ganacsato dhiig miirato ah oo aan u danaynayn umadooda iyo dan yartoda toona kaliyaata yaqaana uun sida loo macaasho lacag badana loo shaqaysto bangi xisaabeedkana loo buuxsado lkn waxa meesha ka maqan doorkii dawlada ku lahayd maamulka dhulka iyo hagaajintiisa waayo dawlada iyada ayaa uga masuul ah shacabkeeda waliba xeer baa sheegayaa qaabka ay dawlada dhulka u maamulayso una maaraynayso.

Dawladu iyada ayaa dhullka masuul ka ah qof kasta oo da’diisu gaadho 18 jirna ay tahay inay siiso dhul uu dego oo u dhisto isla markaana haddiii uu ku dhisan waayo muddo kooban oo aan ka badnayn sanad way kala wareegaysaa, dawladu qofkaa hadaba su’aashu waxay tahay dawladu qofkasta oo muwaadin ah ma siisaa dhulkii uu xaqa u lahaa jawabtu waa maya waayo waxba gacanta uguma jiraan ee waxay gacanta ugu jiraan dad gaara,  maahmaah somaliyeed ayaa tidhaahda “maxay leeftaa maba lulatee.”

Hadaba waxan ka baqayaa inuu dhulku kacdoon inagu noqdo ama uu dhib inagu abuuro oo uu keeno qalalaase iyo amni daro guud ahan saamaysa dalka waayo dhulku waa tiir adag oo ay ahayd inuu gacanta dawlada ku jiro si ay dawldu umada dhex ugu hayso dhulka qaybintiisa , iibintiisa , qiimihiisa, kirayntiisa waayo iminka mark la eego qiimihiisu waxa uu marayaa meeshii ugu saraysay oo aanay goayn Karin dadka danyarta ahi sidoo kalena kirayntiisa ayaa iyaduna xadka ka baxday oo gaadhay meeshii ugu saraysay oo aaanay kiraysan karayn ba dadkii dan yartaa ahaa .

Ugu danbayn haddii dhulka lagu soo celin waayo qaabkii saxdaa ahaa ee ay dawladu awooda ka ahayd waxa ka dhalan doona cawaaqib xumo baahsan oo oo saamayn xun ku yeelata dalka Somalliland iyo dadkeeda gaar ahan dad ka danyarta ah iyo dhalinyarada shaqo la,aantu hayso .

W/Q: Mukhtaar Mohamed Muse, Master of Candidate for Project and Planning Management

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid