27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Deeqdii Turkey oo durba dhexda ay dhigteen mas’uuliyiinta DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Wasaarada Arrimaha Gudaha DFS ayaa sheegaya in durbaba la kala qoondeeyay deeqihii ay laba Asbuuc un ka hor ay soo dirtay Dowlada Turkiga.

Wararku waxa ay sheegayaan in deeqahaasi ay dhexda ku dhufsadeen madaxda ugu sareysa Wasaarada kuwaasi oo aan deeqda ku bixin wadadii loogu tallo galay.

Mas’uuliyiinta deeqdaasi isdaba mariyay ayaa waxaa koow ka ah Wasiiru Dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Abdirashiid Xidig, oo inta badan deeqdaasi u hibeeyay maamulka Jubbaland xili qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku dhow dhow ay ka jiraan dhibaato nololeed.

Xidig ayaa la sheegay in Kismaayo uu ka dajiyay deeqda ugu badan halka inta kale ay ku jiraan Dekadda islamarkaana loo qoondeeyay mas’uuliyiin kale.

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku dhow dhow ayaa waxaa ku sugan kumanaan qoys oo aan awoodin in bisha ramadaan ay ka gudbaan iyaga oo aan gargaar la gaarsiin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ku aadan qaabka ay howsha gargaar u socto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News