Xasan Sheekh oo deyro muujiyay inta aan faraqa la qabsan kahor

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa durbaba muujiyay deyr kadib markii uu sheegay in Qasanada DFS ay tahay mid maran.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in dhowr jeer ay codkooda gaarsiiyeen Beesha Caalamka balse uusan garaneynin sida uu xaalka noqon doono.

assan waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu shido u arko in doorasho ay dhacdo iyada oo aan dhaqaale ku jirin Qasnada waxa uuna Carab dhabay in xaalad adag ay xiligaani ku jiraan oo amuurtuna tahay mid aan sahlaneyn.

Madaxweynuhu waxa uu bidhaamiyay in doorashada ka hor loo baahan yahay in Qasnada Dowlada loo soo dhameystiro dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada.

Caalamka ayuu sheegay inuu u kala diray fariimo ku aadan inay soo dadajiyaan deeqihii ay horay u ballanqaaden.

Dhanka kale, waxa uu carab dhabay in DFS ay dooneyso in wakhti dheer ka hor la guda galo howlaha doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com