Muqdisho (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku toogteen degmada Hiliwaa askari ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Goobjooge ku sugan xaafadda Masjidka Sheekh Xasan Kabaweyne, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in labo nin oo ku hubeysan bastoolado ay toogteen askari watay Mooto ama dhugdhugleey dabadeedna ay ay is rasaaseeyeen askar kale.
Wuxuu kaloo qofka goobjoogaha uu sheegay in rasaas ay fureen ciidamada dowladda in ay ku dhimmatay haweeney goobta mareysay.
Kooxda dishay askariga ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo hadda baaritaano ka wadan xaafadda lagu dilay askariga.
Ma ahan markii ugu horreysay oo askari ka tirsan dowladda lagu dilo degmada Hiliwaa oo ka mid degmooyinka ugu amniga daran Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho