Maamulka Shabeelle State oo yeeshay madaxweyne cusub iyo ku xigeenkiisa

Afgooye (Caasimada Online)-Deeganka Calamada oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa galabta ka dhacday doorashada maamul gobaleed loo dhisaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Maamulka Shabeelle State ayaa waxaa madaxweynaha loo doortay Abuukar Cabdi Mardaadi oo horrey xil uga soo qabtay dowladihii KMG ah ee soo maray dalka, sidoo kale waxaa madaxweynaha ku xigeenka maamulka Shabeelle State loo doortay Muxyidiin Xasan Afrax, oo ka mid ahaa qaban qaabiyaasha shirka maamulkan lagu dhisay.

Labada nin ayaa la sheegay in ay ka soo kala jeedaa labada gobal sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online oo ku sugan goobta lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Shabeelle State.

Munaasabada lagu dooranayay madaxweynaha cusub ee maamulka Shabeelle State waxaa ku sugnaa xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com