Xasan oo caawa u dhoofay Brussels

Brussels (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasoo ku wajahan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkaasoo uu maalinta Isniinta uu ka furmaayo shirweyne looga hadlaayo arrimaah Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ku sii dhaweeyay ku-simaha madaxweynaha ahna afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan, ayaa saxaafadda u sheegay in wafdiga madaxweynaha ay ka qaybgali doonaan shirka hiigsiga cusub ee (New Deal).

Shirkan waxaa ka qaybgalaya in ka badan 50-dowladood oo caalami ah iyo hey’adda daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u qaban doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa siyaasada Midowga Yurub Catharine Ashton.

Shirkan sidoo kale waxaa ka qaybgalaya, madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubba, Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiqaybdiid iyo Axmed Madoobe.

Shirkan waxaan ka qaybgaleynin maamulka Somaliland, waxaana ay sheegeen in wax dan ah uusan ugu jirin shirka ka dhacaya Brussels.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com