26.3 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

DEG DEG AH: Nabadoon caan ahaa oo goordhow lagu toogtay Magaalada…..!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal lagu toogtay nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Faarax (Xamari) ayaa waxaa toogtay dhallinyaro bastoolado ku hubeysan kuwaasoo ku sugayay Masjid uu ku soo tukaday salaada maqrib sidda ay lee yihiin goobjoogayaal la hadlay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Kooxda dishay marxuumka ayaa goobta ka baxsaday durba mana jirto cid la soo qabtay.

Dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka ee Puntland kuwaasoo baaritaano sameeyay balse ma jirto cid loo soo qabtay.

Ma cadda sababta loo khaarijiyay nabadoonka oo caan ka ahaa guud ahaan Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe.

Ma jirto koox sheegatay dilka nabadoonka balse waxaa ka naxay shacabka ku nool magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News