Xasan Mudey oo Dowlada Kenya ka codsaday in la sii dayo Ilyas Yusuf

Siyaasiga Xasan Cabdul qaadir Muudey oo ah Wakiilka Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee wadamada Yurub ee uu ka tirsanyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee PDP ayaa Cambaareeyay Xarigii dhowaan Dowladda Kenya ay u geysatay Dimlomasiga Ilyaas Yuusuf Warsame oo ah Madaxa Pratacol-ka Safaaradda Soomaaliya ay ku Leedahay Magaalada Nairobi.

Xasan Muudey oo Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Wakiil uga ah Wadamada Yurub iminkana ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Xarigga Ilyaas Cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay in sharciyan aysan sax aheyn in shaqsi Dimlomasi ah la xiro maalmana Xabsi la’isaga hayo iyada oo xittaa aan Maxkamad la keenin.

Wuxuu Dowladda Kenya ka codsaday in Ilyaas si deg deg ah loosoo daayo iyada oo la ixtitraamayo Xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ilyaas Yuusuf Warsame oo kamid ah Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi, waxaa la xiray isaga oo Gurigiisa jooga waxaana loo aaneynayaa in Kooxaha la dagaalanka Argagixisada ay wateen lamana oga wax dambi ah oo loo heysto.