Daawo: Ifrax Sheikh C/llahi: Gurigeyga waxaa xoog ku heysta Gen. Gaafoow

Tan iyo markii Dowladiii Soomaaliya bur bur tay 22 sano ka hor, ayaa waxaa Soomaaliya ka dhacay bur bur iyo dhibaato badan iyadoona laga kala cararay hanti badan oo ay ku jireen guryo, waxaana Magaaladda Muqdisho lagu ka la dhacay guryo, waxaana hada Muqdisho ka taagan dhibaato la xariirta dhanka guryaha iyo qaabkii la isgu soo celinlahaa.

waxaa hada la is ku heystaa Guri ku yaala Magaaladda Muqdisho oo u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasi oo la sheegay in ay la heyd Gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ifraax Shiikh C/laahi oo ilmo u dhashay nin Talyaani ah.

Ifarax iyo Qaraabadeeda oo ay wada socdaan, ayaa waxaa ay tageen Magaaladda Muqdisho si ay u soo ceshtaan Hantidoodii waxaana ay la kulmeen Caqabado kala duwan waxaana hada ay Ifraax iyo Qaraabadeeda ay sheegayaan in guriga uu hada uu sheeganaayo General Gaafoow oo uu leeyahay Guriga anaga ayaa is kaleh.

Halkaan hoose ka Daawo Sheekada Arinkaan la xariirta