Maxaa maanta ka socda GAROOWE?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa saakay ka socda howgallo lagu baadigoobayo raggii dilay Nabadoon caan ah oo xaley fiidkii lagu dilay magaaladaas.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe, ayaa soo sheegaya in magaalada saakay ay ka socdaan howgallo gurri ka gurri ah, in kastoo goobaha ganacsiga iyo gaadidka uu caaddi yahay.

Habeenkii xaley ayey ahayd markii kooxo ku hubeysan bastoolado ay ku toogteen magaalada Garoowe AUN Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garaan oo ka mid ah odayaashii soo xulay wakiilada Puntland.

Nabaadoonkan ayaa caan ka ahaa guud ahaan deegannada Puntland, waxaana dilkiisa cambaareeyay maamulka iyo shacabka reer Puntland.

Waa nabadoonkii ugu horreyay ee lagu dilo magaalada Garoowe tan iyo markii uu maamul cusub qabtay hoggaanka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com