28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DEG DEG: Shir MUHIIM u ah Somalia oo ka furmay magaalada Brussels

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Brussels (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka furmay shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.

Wariye Cabdiqaadir Nuur, oo ka tirsan Talafishanka Somali Chenel oo ku sugan goobta shirka ayaa u sheegay Shabakadda Caasimada Online, in shirka uu furmay, waxaana uu sheegay in ay ka qaybgalayaan wafuud ka socda, Midowga Yurub, Afrika, dowladda Soomaaliya, iyo bulshadda caalamka.

Shirkan oo ah kii iskaashiga Midowga dowladaha Yurub, ayaa wax yaabaha looga hadlaayo waxaa ka mid ah siddii loo qalabeen lahaa ciidamad adowladda iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya shirkaas waxaa hoggaamineysa Raysal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Shirka ayaa socon doona muddo seddax cisho, waxaana gabagabadiisa laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo wax yaabaha looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Rotterdam| Netharlands

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News