QARAXYO LAGA MAQLAY MUQDISHO!

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacay labo qarax oo mid ka mid uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda sida uu soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online.

Qaraxa mid ka mid ah wuxuu ka dhacay degmada Xamar-Weyne ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhawacmay hal askari.

Dhinaca kale, magaalada waxaa maanta laga xusay sannad guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka booliska oo ay ka soo wareegtay 70-sanno.

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigay 150,000 oo balays ayaa lagu qabtay xarunta dusiga tababarka ciidanka booliska Gen Kaahiye, waxaana halkaas kala qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirada Gaashandhigga iyo Arrimaha Gudaha xukuumadii kalosnida lagala laabtay iyo talyaha ciidanka booliska.

Madaxweynaha ayaa salaan sharraf ka qaatay ciidanka joogay goobta, waxaana la sheegay in madaxweynaha uusan ka hadlin goobta.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay gaada-ka ciyaarsiin iyo ruwayad loo bixiyay “Toddobaatan jir tallo ma seegto, waxaa joogay fannaaniinta kooxda heegan ee ciidanka booliska.

Xafladaha lagu weyneenaayo munaasabadan ayaa la filayaa in ay sii socoto ilaa caawa, waxaana Villa Soomaaliya ka dhici doonta xaflad lagu xusaayo sannad guuradii 70-aad ee aas-aaska booliska.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa loo adkeeyay, waxaana dadweynaha magaalada ay saakay ku soo tooseen wadooyinka qaar oo xiran gaar ahaan goobta ay xafladda ka dhaceysay iyo goobo kale oo muhiim, waxaana halkaas joogay ciidamo fara badan oo ammmaanka sugaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com