Al-Shabaab oo qabsatay mid ka mid ah saldhigyadii ay wareejiyeen ciidanka ATMIS

Geriley (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka ururka al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Geriley ee gobolka Gedo, oo ay dhammaadka bishii hore ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya. 

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa VOA u sheegay inay Al-Shabaab halkaasi soo weerareen maanta barqadii, ayna la wareegeen.  

Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay Geriley kadib weerarka al-Shabaab. 

Ururka Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta degaankaas kadib iska horimaad dhacay.

Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegteen inay qabsadeen saldhig ay deganaayeen ciidamdan KDF ee degaankaas muddada gacanta ku hayey. 

Geriley waa goob istaraatiiji ah, waxayna xuduudda Kenya u jirtaa 12KM. 

Geriley waxay ka mid ahayd lix saldhig oo ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta, taasi oo qayb ka ah dhimista ciidamdaas ka hor bixitaankooda bisha December ee sannadka dambe. 

Ciidamadii ugu horreeyey ee ATMIS, oo gaaraya illaa 2,000 ayaa ka baxay Soomaaliya, waxaana la filayaa inay 3,000 oo kale ka baxaan dalka bisha September. Ciidanka ATMIS ayaa markaas noqon doona illaa 14,000. Waxayna dalka uga bixi doonaan si tartiib ah illaa ay ka wada dhammaadaan bisha December 2024, sida qorshuhu yahay.

Hase yeeshee, qabsashada saldhiggan ayaa dhabar-jab weyn ku ah dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna shaki geli kartaa, haddii Soomaaliya ay weli diyaar u tahay inay ciidamada ATMIS kala wareegto amniga.

Dhinaca kalena, hay’adda nabadsugidda maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in hawlgal dhacay toddobaadkan lagu dilay 17 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab. 

Hawlgalkan ayaa hay’addu sheegtay inuu ka dhacay nawaaxiga Weel-Maarow 12-kii Julay, waxayna intaas ku dartay in maleeshiyaadka la dilay ay ku jireen kuwo kasoo jeeda Itoobiya iyo Kenya, inkastoo aysan hay’addu soo bandhigin caddaymo muujinaya sheegashadaas.