Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Sabiib

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo ah ku beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaal u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa ka dhacay halkaasi, wuxuuna kusii fiday dagaalka deegaanno u dhow Sabiib iyo Caanoole oo ay marar badan Al-Shabaab weeraro ku soo qaadeen deegaannadaasi.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in laga hortegay weerarka, isla markaana dib loo celiyay maleeshiyaadkii soo qaaday, iyada oo intaas ku dartay in kooxdu ay maydad uga carartay goobta lagu dagaalamay.

“Ciidanka Qaranka ayaa ka hortagay weerarka AS ku soo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaan oo kale ay maalmo kahor Al-Shabaab qaraxyo ugu weerareen degmada Awdheegle oo ay muddo kooban la wareegeen, kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ee Xoogga dalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.