Tel Aviv (Caasimada Online) – Somaliland meesha kama saareyso suurta-galnimada ah in ay qaabisho dadka reer Gaza, waxaa sidaas warbaahinta KAN ee Israel u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa qoraal uu u diray KAN ku yiri: “Waxaan diyaar u nahay wada-hadal kasta, balse ma dooneyno in aan ka hadalno arrimo aan weli laga wada hadlin. Dal kasta oo danaynaya in uu arrimo gaar ah nala gorfeeyo waa in uu marka hore la sameeyo xiriir rasmi ah oo uu xafiis diblomaasiyadeed ka furto Somaliland.”
“Arrinta ugu muhiimsan ee noo taalla waa in nala aqoonsado kaddib markaan adduunka tusno in aan nahay dal nabadda jecel, dimoqraadiyaddana ku dhaqma, islamarkaana xor ahaa muddo 33 sano ah.”
14-kii Maarso, wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa werisay in mas’uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Israa’iil ay la xiriireen saddex dowladood oo ku yaalla Bariga Afrika si ay ugala hadlaan suurtagalnimada in dada Gaza loo raro dalalkooda.
Warbixinta AP ayaa xustay in saddexda dal ee lala xiriiray ay kala yihiin Suudaan, Soomaaliya, iyo Somaliland oo dal sheegata balse aan la aqoonsaneyn.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu soo bandhigay qorshe uu ku doonayo in dib loo dejiyo dadka reer Gaza marka dagaalku dhammaado.
Sida ay sheegtay AP, dowladda Suudaan ayaa si cad u diiday dalabka Mareykanka, halka mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen in aan wax xiriir ah lagala soo samayn arrintan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u diidayo “wax kasta oo wax u dhimaya xaqa shacabka Falastiin ay u leeyihiin in ay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkoodii hooyo.”
Warbixinta KAN ayaa soo baxday shan maalmood kaddib markii Somaliland ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in “aysan jirin wax wadahadal ah oo ay la leeyihiin cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.”
Sida ay baahisay KAN, wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa xusay in haddii Mareykanka uu Somaliland si rasmi ah u aqoonsado, ay markaas suurtagal noqon karto in laga wada hadlo arrimo badan, inkastoo aan si gaar ah loo xusin suurta-galnimada qaabilaadda Falastiiniyiinta.
KAN ayaa sheegtay in “Somaliland ay isku dayeyso in ay ka faa’iidaysato xaaladda ka taagan Gaza iyo arrimaha Falastiiniyiinta si ay uga hesho faa’iido siyaasadeed Mareykanka iyo Israa’iil.”
Hadalkan naxdinta leh ee wasiirka, ayaa laga fahmi karaa sida Somaliland uga go’an tahay in ay wax kasta u sameyso in ay hesho aqoonsi, xitaa haddii ay tahay in ay xiriir la yeelato Israel, oo ay taageerto barakicinta walaalaha Muslimiinta ah ee reer Falastiin.