25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Al-Shabaab u diyaarsan inay fuliyaan weerar cagmarin ah oo caawa la laayey

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal culus oo lagu baacsanayo Khawaarijta Al-Shabaab ayaa caawa ka socda degaanka Tardonee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu arkay dagaalyahano xooggan oo Shabaab ah.

Warbaahinta Dowladda oo tebisay xogta hordhaca ah ee howlgalka ayaa sheegtay in khasaare culus la gaarsiiyay kooxda, welina uu socdo howlgaku.

Bartilmaameedka Howlgalka wuxuu ahaa maleeshiyaad badan ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas lagu abaabulay, si ay u qaadaan weerar cagmarin ah.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu burburiyey gaadiid dagaal oo ay wateen Al-Shabaab, kaas oo qaar ay qaraxyo ku soo rareen.

Ilaa hadda lama shaacin goobta ay weerari rabeen Shabaab-ka xogtooda la helay ee caawa ay duqeyntu ku socoto, balse waxaa la xaqiijiyey inay isku diyaariyeen fulinta weerar aad u culus.

Howlgalka caawa socda ayaa fashiliyey dhagartii ay soo baleegtay kooxda Al-Shabaab oo maalmo badan ay diyaarineysay, iyadoo goobaha la beegsaday ay isku aruursadeen dagaalyahanadii ugu badnaa ee kooxda.

Deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan ee caawa uu howlgalkaani ka socdo ayaa kamid ah deegaanada istaraatiijiga ah ee toddobaadyadii lasoo dhaafay ay dib u qabsadeen Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News