Cadaado (Caasimadad Online) – Sida aan daqiiqado ka hor idinla wadaagnay waxaa socdo shirkii ugu dambeeyey oo lagu doonayo in go’aano lagu soo saaro oo hal meel la isugu geeyey Shanta Mas’uul ee ugu sareysa Maamulka Galmudug.
Haddaba illo wareedyo rasmi ah oo shirka ka og dhow ayaa inoo xaqiijiyey inay hoos u dhacday rajadii laga lahaa dhex dhexaxadinta ay wadaan Xildhibaanadii Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee isugu jiray labda Aqal.
Markii hore waxaan idinla wadaagnay inay rajada aad usoo dhawaatay isla markaasna lagu heshiiyey in Caawa Saxaafadda lala hadlo isla markaasna loo sheego natiijada kasoo baxday iyo waxyaabaha lagu heshiiyeym maadaama kulamadii galabta dhacay ay is afgarteen madaxda Galmudug iyo Xildhibaanada Dowladda Dhexe.
Sida aan wararka ku heleyno markii hore ayaa waxaa lagu heshiiyey in la xaliyo marka hore khilaafka ku aadan Mooshinada kala duwan oo ay wadaan garbaha isku hayo Galmudug, in Ciidamada dowladda laga saaro Magaalada sidoo kalana maleeshiyada soo gashay Cadaado lagu celiyo meelihii ay ka imaadeen iyo inay Baarlamaanka caddeeyaan inuusan jirin wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyey Madaxweyne Xaaf.
Xildhibaanada dowladda ee halkas gaaray ayaa Ku xigeenka Madaxweyne Xaaf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku qanciyey inay aqbalaan in marka hore la badbaadiyo Maamulka Galmudug lana joojiyo xil ka qaadista ay wadaan dhinacyada xil haya isla markaasna saxaafadda loo yeero Caawa.
Markii uu si rasmi ah caawa u furmay shirka isla markaasna la doonayey in la qoro qodobada lagu heshiiyey ayaa mar qura waxaa ku dhawaaqay inuu ka baxay heshiiskii la galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir halka Madaxweyne ku xigeenka uu aqbalay in la heshiiyo marka horena la badbaadiyo Maamulka Galmudug.
Xildhibaanada Laba Aqal ayaa waqti badan ku bixiyey inay waydiiyaan kalana doodaan Guddoomiyaha Baarlamaanka sababta keentay inuu ka baxo qodobadii hordhaca ahaa ee la isku afgartay, wuxuuna ku adkeystay inuu ku qanci karo labadaan qodob midkood:
1) Inuu Xaaf ku dhawaaqo inuu ka laabtay go’aankii uu ku taageeray Imaaraadka Carabta
2) Iyo inuu xilkiisa waayo oo uu Meesha ka baxo.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay faraha kula jiraan gacmo seddexaad oo fikirkiisa badalay isla markaasna ku qanciyey inuusan ka taanaasulin mowqifkiisa sida uu noo sheegay mid kamid ah Xildhibaanada wadahadalka kula jiro oo diiday inaan magaciisa adeegsano.
Shirkii bilowday Maqribkii kadib ayaa weli socdo muddo 3 saac ah oo xiriir ah waxaana ilaa markaas la qancin la’yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Ugu daambeyntii Xildhibaanada ayaa go’aansaday in si gaar ah ay u shiraan Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdiweli Qanyare iyo Xasan Macalin oo isku deegaan ah si ay xal uga keenaan Casir.
Xildhibaanada labada Aqal ayaa weli ka quusan Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana weli socdo shirka, iyadoo la filayo inay Xildhibaanada Dowladda la fadhiistaan kuwa Galmudug la iskana wareysto xaaladda iyo sida Xalka ku jiro, waxaana la qorsheeyey inuu kulankaas dhaco ugu dambeyn illaa berri.
Wixii warar ah ee soo kordha daqiiqad daqiiqad ugala soco Caasimadda Online.

