Xildhibaanada Puntland oo riday golaha wasiirada iyo Gaas oo maalmo loo qabtay

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan degdeg ah oo goordhow ka dhacay Magaalada Garowe, ayaa waxa ay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, si rasmi ah codka kalsoonida kala noqdeen Golaha Wasiirada maamulka Puntland.

Kulanka baarlamaanka waxaa xaadiray 57 mudane, waxaana codka kalsoonida kala laabtay 47 mudane, iyadoo ay ka aamuseen 9 xildhibaan, halka 1 xildhibaan uu kahor yimid.

Xildhibaanada ayaa Golaha Wasiirada Puntland si rasmi ah ugu codeeyay in la rido, waxa ayna ku eedeeyen wax qabad la’aan.

Xildhibaano kulanka kadib la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in baarlamaanka uu Madaxweyne C/wali Gaas ka sugaayo inuu soo magacaabo wasiirro cusub.

Sidoo kale, Gudoonka Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas inuu haysto 21 Cisho uu ku soo magacaabayo Wasiiro cusub oo uu yeesho Maamulka Puntland.

Geesta kale, Madaxweyne C/wali Gaas ayaa lagu wadaa in goordhow uu qabto Shir Jaraa’id oo uu uga hadli doono go’aanka uu baarlamaanka ku riday Xukuumada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com