BF oo qabtay mooshin culus oo la xiriira heshiisyadii amni ee Itoobiya iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin culus oo la xiriira heshiisyo amni oo xukuumadda horey ula gashay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka.

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd xaqiijiyay qabashada mooshinkaasi, taasi oo uu ku wargeliyay xildhibaannadii soo gudbiyay.

“Waxaan ku cadeynayaa in laga qabtay mooshinka ujeedadiisu tahay codsi heshiisyadii amni ee xukuumadda Dan-Qaran la gaadhay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Federaalka Itoobiya iyo Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE),” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa bishii December ee 2023-kii kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dal, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka difaaca Soomaaliya Mr. Jaamac iyo dhiggiisa Itoobiya Abraham Belay.

Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014. Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sida lagu sheegay qoraalka heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha guddiyo difaac oo wadajir ah oo ka shaqeyn doona xasiloonida amni ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa hore u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la-dagaalanka argagaxisada, kaasi oo uu qalinka ku duugay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa markaas la sheegay in dowladda Soomaaliya uu ka caawin doono in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena amniga.

Sidoo kale waxaa la xasuusta in Golaha Wasiirrada ay markii ugu horeysay ee la horgeeyay heshiiskan dib loogu celiyay wasaaradda gaashaandhiga, ayada oo golaha markii dambe ku ansixiyay kulankii labaad ee lagu soo celiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Heshiiskaasi ayaa markii uu soo shaac baxay waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xad-gudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos-geeyey Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale xilligaasi baraha bulshada aad u wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.

Soomaaliya ayaa horay u bur-burisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xilligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib u hagaajisay xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.