DEG DEG: Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo oo xabsiyada lagu guray

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ballaaran ka fuliyeen ciidamada dowladda federaalka, K/Galbeed iyo kuwa Itoobiya.

Howlgalkan ayaa la doonayey in lagu joojiyo dibadbaxyada ka soconayey magaaladaasi, waxaana ciidanku ay xabsi dhigeen in ka badan 200 qof oo shacab ah una badan dhallinyaro dibadbaxyadan dhigayey.

Wararku waxay sheegayaan in dhammaan dadkan la xirey loo qaaday xabsiyada Baydhabo, iyadoo dhanka kale dib ay hawada ugu soo noqotay isgaarsiintii magaalada oo saacado badan maqneyd.

Wararka ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay hadda deggan tahay, dibna u furmeen xarumaha ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo weli wax war ah kama aanay bixin howlgalladan ay ciidanku ka sameeyeen magaaladaasi.

Baydhabo waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka jiray dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayeen dadka shacabka ah kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya halkaasi kasoo xireen musharrax Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com