24.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Kulankii BF oo buuq ku soo dhammaaday iyo hanjabaad..

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad jahwareer ah iyo buuq ayaa ka dhashay kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaannada labada Gole ku lahaayeen Villa Hargeysa, kaas oo ugu dambeyn kusoo dhammaaday fawdo.

Xildhibaannada qaar ayaa diiday in kulanka uu furmo, kuwaas oo kasoo horjeeda wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka KMG Ah oo dhawaan loo gudbiyay guddoonka sare, si looga doodo.

Sidoo kale, kulanka oo goordhow lagu kala kacay ayaa waxaa gacanta iskula tegay xildhibaannada qaar oo is-feeray, waxaana kaamirada ay soo qabatay wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Xildhibaan Xasan Firinbi oo ku dhex dagaalamaya gudaha Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii uu xakameyn waayay xildhibaannada buuqaya isaga baxay hoolka, wuxuuna ku hanjabay in tallaabada adag laga qaadi doono xubnaha maanta is hortaagga sameeyay.

Dhankooda Xildhibaannada buuqa wada ayaa ku doodaya in uu soo dhammaaday Kalfadhigoodii, loona baahan yahay in la xiro, maadaama uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha.

“Kalfadhigeenna waxaa ka harsan maanta oo kaliya lama keeni karo sharci, Aadan Madoobe waa yaqaanaa ogaansho badan ayuu u leeyahay xeer hoosaadka aktiisa ayuu yaallaa ha fiiriyo”. Dastuurka uu maanta illaa habeen hore isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay la cararaayaan xaq uma laha inay keenaan, caalamkuna ha ogaado wixii dhaca masuuliyadooda waxaa qaadaya Aadan” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaannada diidan wax ka beddalka.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in xildhibaannadii iyo senatoradii xaadiray kulankii maanta loo qaybiyay soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, iyada oo guddoomiyuhu faray in xildhibaannadu soo akhristaan.

“Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 180-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 31-Senator oo Aqalka Sare ah, waxaa mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo qeybiyey warbixinta soojeedimaha wax-kabeddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka, warbixinta faahfaahinaysa soojeedimaha iyo sidoo kale soojeedin kooban oo ku saabsan wax-kabeddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4aad” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Aadan Madoobe.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo iyada kowda bisha soo socoto la filayo in ay Muqdisho wada-hadallo uga bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Dhinacyadan ayaa ka arrinsan doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hanaanka Doorashada iyo wax ka beddelka Dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News