Tel-Aviv (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Talaadadii sheegay inuu weli doonayo heshiis xiriirka looga dhigayo mid caadi ah oo lala yeesho Sacuudiga, balse wuxuu ka digay in cid kasta oo doonaysa iskaashi aysan la shaqayn xoogag uu ku eedeeyay inay wiiqayaan sharciyadda Israa’iil.
Netanyahu ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id kadib markii wariyaha diblomaasiyadda ee The Times of Israel, Lazar Berman, uu weydiiyay in hoggaamiyaha Israa’iil weli aaminsan yahay in xiriir caadi ah uu dhici karo “mustaqbalka dhow,” isagoo soo xiganaya wax uu ku tilmaamay u-leexashada Riyadh ee dhanka Turkiga iyo Qatar iyo ka fogaanshaha Imaaraadka Carabta.
Netanyahu ayaa sheegay inaanu doonayn inuu noqdo “falanqeeye arrimaha Sacuudiga,” laakiin wuxuu raaciyay inuu si dhow ula socdo isbeddelada gobolka.
“Waxaannu ka filaynaa cid kasta oo nala doonaysa xiriir caadi ah ama nabad in aysan ka qaybqaadan dadaallo ay wadaan xoogag ama afkaaro doonaya cagsiga nabadda,” ayuu yiri.
Netanyahu wuxuu ku dooday in dadaallada noocaas ahi ay “diidayaan sharciyadda Dawladda Israa’iil,” isla markaana dhiirrigelinayaan dhinacyo uu sheegay inay “weeraraan dawladda Israa’iil.”
Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay soo dhawaynayso heshiis lala galo Sacuudiga haddii boqortooyadu ay doonayso “xiriir caadi ah iyo nabad lala galo Israa’iil oo ammaan ah, awoodna leh.”
Israa’iil iyo Sacuudiga ma laha xiriir diblomaasiyadeed, balse Washington ayaa riixaysay heshiis horumar leh oo ballaarinaya Heshiisyadii Ibraahim (Abraham Accords), oo ah heshiisyadii xiriirka caadiga ah ee Maraykanku taageerayay oo Israa’iil ay sannadkii 2020 la saxiixatay Imaaraadka iyo Baxrayn.
Sacuudiga ayaa dhowr jeer sheegay in aqoonsi kasta oo la siiyo Israa’iil uu u baahan yahay horumar macno leh oo laga sameeyo dhismaha dawlad Falastiiniyiin ah — shuruuddaas oo adkaysay diblomaasiyaddii uu Maraykanku hoggaaminayay maadaama gobolku weli kacsan yahay, colaadda Israa’iil iyo Falastiinna ay weli sii hayso siyaasadda gobolka.

