25.7 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

C/qaadir Muumin oo nolol uga baxsaday Calmiskaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Daacish-ta Soomaaliya, Cabdulqaadir Muumin oo sidoo kale la rumeysan yahay inuu yahay amiirka guud ee ururka ayaa ka baxsaday buuraha Calmiskaad oo markii hore saldhig u aheyd ururka Daacish, sida uu shaaciyay maamulka Puntland.

Afhayeenka howl-galka Hillaac, General Maxamuud Axmed Faadhigo oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay inuu baxsaday Cabdulqaadir Muumin xilli ay ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen 98% dhulka buuraha Calmiskaad, halkaas oo ururkaasi saldhigyo xooggan ku lahaa muddo dheer.

Afhayeenka ayaa sheegay in xogaha laga helay hay’adaha sirdoonka caalamiga ah ay cadeeyeen in Cabdulqaadir uu nolol uga baxay buuraha Calmiskaad. Inkasta oo Afhayeenku uusan caddeyn waqtiga saxda ah ee uu baxsaday horjoogaha Daacish, haddana wuxuu xaqiijiyay inuusan hadda ku sugnayn Calmiskaad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ku-xigeenkiisa, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah madaxa howl-gallada Daacish, weli ku dhuumaalaysanayo buuraleydaasi, isagoo rajo ka muujiyay in la qaban doono.

Warkan ayaa yimid saacado un kaddib markii Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu shaaciyay in la dhameystiray wajigii saddexaad ee howl-galka ka dhanka ah Daacish, isla markaana lagu guda jiro wajiga afaraad. Wajigan cusub, ayuu sheegay madaxweynuhu, in uu xooga saari doono baarista iyo ciribtirka kooxaha firxadka ah ee ku dhuumaalaysanaya deegaannada fog-fog.

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray in ciidamada Puntland ay buuraha Calmiskaad kula dagaalameen xubno ajaanib ah oo kasoo kala jeeda qaaradaha Yurub, Afrika, Aasiya iyo Ameerika. Waxa uu ku tilmaamay dagaalkaasi mid ka hortagay khatar weyn oo ku socotay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, hay’adaha ammaanka Puntland ayaa dhawaan gacanta ku dhigay nin caddaan ah oo katirsanaa ururka Daacish, taasoo noqotay markii ugu horreysay ee ajaanib caddaan ah si toos ah nolol lagu qabto intii uu socday howlgalka Hillaac.

Guulaha laga gaaray howl-galka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahanyahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.

- Advertisement -

Read more

Local News