Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareego degaano cusub oo ka tirsan Hiiraan iyo Baay

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda oo is-garabsanayo ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceeymey oo dhaca degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminaya gudoomiyahii hore ee degmada Buulo-Burde Feysal Haajir Aadan iyo ciidamo uu wato, iyaga oo  gudaha u galay degaanka Ceeymey oo 15 km u jira galbeedka degmada Buulo-burde.

Deegaankan ayaa waxa uu dhow yahay degaanka Dabayoodle oo ka mid ah fariisinka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa sheegay in uusan wax dagaal ah ka dhicin deegaankaas, oo ay si nabad ah kula wareegeen.

Dhinaca kale, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee xoreynta Koonfur Galbeed oo iskaashanaya ayaa maanta degaano ka tirsan gobolka Baay ka billaabay howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgallada kula wareegeen degaannada kala ah; Saydheelow, Buula-jadiid, Mataani, Uusli iyo Busley oo dhamaantood ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo Al-Shabaab ay dadka ku dhibateeyn jireen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howgallada ay weli sii wadaan, islamarkaana ay doonayaan inay la wareegaan deegaanka Labaatan Jirow, oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Baay.

Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya waxaa maalinba maalinta ka dambeysa kooxdan ku furmaya furun cusub oo dagaal, taasi oo sii adkeyneysa inay is-difaacaan.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka shacabka, Al-Shabaab ayaa weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, ayada oo kooxdan laga saaray inta badan gobolka Hiiraan.