Al-Shabaab oo kordhisay beegsiga BEELAHA iyo ganacsade lagu dilay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa saaka dil qorsheysan ka geysatay suuqa weyn ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramaya ain loo geystay Allaha u naxariistee ganacsade Daahir Jugle oo ka mid ahaa ganacsatada suuqaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex dilay goobtiisa ganacsiga, ayada oo kadibna ay meesha isaga dhaqaaqeen raggii ka dambeeyey dilkiisa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ganacsade Daahir ayaa ka soo jeeda magaalada Cadaado oo ay degto beesha Saleebaan oo horey Al-Shabaab ugula dagaalantay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dilka ganacsadahan ayaa salka ku hayo dagaalkaasi, ayada oo horey kooxda Al-Shabaab u dishay odayaal & dad kale oo ka soo jeeda beeshaas, waxaana tani ay qab ka tahay beegsiga ay Al-Shabaab ku heyo beelaha haatan la diriraya.

Dilka loo geystay marxuum Daahir Jugle ayaa yimid maalin kadib markii dhaawac daran oo loogu geystay Suuqa Bakaaraha uu u geeriyooday ganacsade Guuleed Cali Aw-Aadan oo isaguna ka mid ahaa ganacsatada Daawada, kana soo jeedo Beesha Saleebaan.

Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo kacdoon ay shacabka qayb ka yihiin oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo khasaare xoogleh lagu gaarsiiyey.

Si kastaba illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowlada federalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadan, balse wuxuu dilkan qayb ka noqonayaa falalka ammaan dari ee ka dhacaya caasimada, waxaana u dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xerada Dhegabadan oo ay ku dhinteen 15 qof oo dhalinyaro u badan.