Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay war laga faafiyey kacdoonka SHACABKA

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa beeniyey dacaayadda ay faafinayaan qaar ka mid ah dadka kasoo horjeeda kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ah in dowladda ay hubeyneyso qabiilo gaar ah. 

“Qabiil Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya hub siisay ma jiro, keliya dowladdu waxa ay siisaa rasaas macowiisleyda, dhaawacoodana waa la daweeyaa,” ayuu yiri la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh ee amniga qaranka.

Xuseen Macallin ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay iyadu haatan hoggaaminayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya, beeluhuna ay gacan siinayaan. 

Hadallada Xuseen Macallin ayaa yimid kadib markii taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay billaabeen inay dacaayad noocaas ah ku faafiyaan baraha bulshada, si beelaha la isaga horkeeno.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa horey uga digay in Al-Shabaab ay isku dayi doonto inay dagaalka u rogto beel duulaan ku ah beel kale, si ay isaga horkeento beelaha.

Ma cadda sababta taageerayaasha Farmaajo ay u carqaladeynayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ka cabsi qabaan in haddii dagaalka uu guuleysto ay shacabka arki doonaan sida Farmaajo 5 sano uga khasaariyey Soomaaliya. 

Fiqi ayaa shalay sheegay in kooxaha shakiga ka qaba howgalka ee dacaayadaha ku wada ay kala yihiin:

1- Kooxda 1-aad: Waa argagixisada nafteeda, ayuu yiri, isaga oo sheegay in Cali Dheere oo ah afhayeenka Al-Shabaab uu dadka uu ceelashooda ka qarxiyey ee uu masaajidda ku weerarray markii ay hubka qaateen ku tilmaamay ‘Mooryaan’.

2- Kooxda 2-aad: Waa kuwo ku fashilnay nidaamkii hore ee Farmaajo oo AL-Shabaab u ogolaaday inay dekedda canshuur ka qaataan oo dhagaxaanta dhufeesyada la rabay baadiyaha in ay ku sameystaan ku sameeyay waddada Maka Al-Mukarrama, Kooxdaas iyo CBB-deeda dacaayad ayey wadaan.

3- Kooxda 3-aad: waa koox deegaankoodu nabad yahay oo dhulal nabad ah ka yimid oo raba in ay gafane dadka ku dhex nool oo quuta dadkaan oo dhiiggooda jiqa.