Ciidamada dowladda oo qabsaday degmada Ceelbuur

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa goordhow gudaha u galay magaalada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo sanado badan gacanta ugu jirtay Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidanka xoreeyey Ceelbuur ayaa ka yimid jihada Galcad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dadka reer miyiga ah ee ku nool aagga degmada Ceelbuur.

Kooxda Al-Shabaab ayaa baneysay magaaladaas iyagoo aan ku dagaalamin, waxaana gudaha u galay cutubyo ka tirsan Danab iyo Gor Gor.

Dadkii shacabka ahaa ayaa la sheegay inay isaga carareen magaalada Ceelbuur, waxaana la qabtay iyadoo cidlo ah oo Shabaab iyo Shacab wax jooga aysan jirin.

Ciidamada ayaa hadda bilaabay miino baar ay ka sameynayaan gudaha mgaalada, Ceelbuur waa degmadii ugu weyneed ee gobollada dhexe ay ka joogeen Al-Shabaab.

Madaxda ugu sareysa dalka oo Dhuusamareeb ku wada sugan ayaa lagu wadaa in goordhow ay ka hadlaan xoreynta Ceelbuur oo maalmihii lasoo dhaafay aad loogu howlanaa.

Al-Shabaab in aysan ku dagaalamin gacan ku heynta degmadaan muhiimka ah ee Ceelbuur dadka ka faalooda arrimaha ammaanka waxay ku macneeyeen in awoodii kooxda iyo niyadii dagaalyahada Shabaab ay wiiqantay.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Mudug iyo Galgaduud oo Galhareeri, Caad, Camaara, Bacaadweyn iyo Jowle ay ku jiraan ayaa weli ku maqan gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo la qorsheynayo in saacadaha soo socda laga saaro gacanta Khawaarijta.