Beledweyne (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay xarun shir uga socday odayaal doonayay in ay dhisaan maamulka dhawaan looga dhawaaqay gobolka Hiiraan.
Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada ay xireen Baarka lagu magacaabo Xasan dhiif oo ay ku shiri jireen Odayaasha waday ololaha maamulka Hiiraanland.
Ciidamada ayaa sheegay in sidoo kale dadka kunool Magaalada Baledweyne ay uga digeen in Magaalada lagu qabto shirar uusan ogeyn maamulka gobolka Hiiraan.
Odayaasha ayaa la sheegay inay ku howlanaayeen dhismaha maamul Goboleed falaago ah oo loogu magac daray Hiiraanland. ciidamada ayaa albaabada isugu dhuftay Baarkii shirka ka socday oo lagu magacaabo Xasan dhiif.
Wararka ayaa sheegaya in la xiray qaar ka mida odayaasha, iyadoo markii dambe la sii daayay, iyagoo looga digay carqaladeynta ay ku wadaan maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynihii xildhibaanada Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Magaalada Baledweyne kaga dhawaaqay maamulka loogu magacdaray Hiiraanland oo ka madax banaan Hirshabelle.
Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allag

