Ciidanka xoogga oo toogtay nin Shabaab ah oo doonayay…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka ay Beledweyne ku toogteen nin Al-Shabaab ah.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu doonayay inuu dhibaato u geysto bulshada Beledweyne, isaga oo ku hubeysnaa bastoolad iyo bam-gacmeed, ayada oo ciidanka xoogga ay ka hortageen dhagartiisa.

Howl-galkaan oo ka dhacay xaafadda Buundo-weyn ayaa waxaa fuliyay askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo la sheegay inay ku howl-galeen xogta bulshada xaafadda Buundo-weyne.

Ninkaan oo kamid ahaa xubnaha u xuubsiibtay dhibaateynta bulshada ayaa ku baxay gacanta ciidamada geesiyaasha ah ee ka howl-gala gobolka Hiiraan, gaar ahaan Beledweyne.

“Way dhammaatay waqtiga dadka bulshada indhaha u ah inta la dilo la oran jiray wuu baxsaday iyo lama yaqaan,” ayuu yiri taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad Korneel Maxamuud Xasan Baakaay oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada gobolka Hiiraan inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka, si loogu guuleysto amniga gobolka iyo magaalada Beledweyne intaba.

Ma ahan markii u horreysay ee ciidamada xoogga dalka ay ka hortagaan Shabaab damacsanaa dhibaateynta shacabka, xilli uu dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.