Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ITOOBIYA oo is-casilay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen ayaa is-casilay oo baneeyay jagadaan, sidda ay ku warameyso warbaahinta gudaha.

Mekonnen ayaa sidoo kale ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Abiy Axmed. Waana masuulkii ugu cuslaa ee Ethiopia iska casila.

60 jirkan Muslimka ah ayaa xilkaan soo hayey tan iyo bishii November 2020-ka.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley, hase yeeshee waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Ethiopia ayaa waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

Is-casilaada Mekonnen ayaa sidoo kale imaanaysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya ee salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa, islamarkaana ay Soomaaliya dagaalka diblumaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia.