Daawo: Khasaaraha dabkii ka kacay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dab xooggan oo goor sii horeysay ka kacay qeybo kamid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Dabka kacay Isbitaalka Martiini oo ay maamusho dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhashay mid kamid ah haamaha lagu keydiyo Oksijiinka ee isbitaalka oo qaraxday.

Khasaaraha dabka ayaa u badan gubasho dhismaha iyo qalabkii yaalay, wuxuuna dabka dhaawac kasoo gaaray saddex qof oo kamid ah shaqaalaha Isbitaalka, sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Martiini.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed Jalaludiin oo warbaahinta la hadlay kadib markii la damiyay dabka ayaa waxa uu sheegay in mashiinka suuxiyaha loo isticmaalo ayaa cilad koronto ku qarxay salaada qaliinka, oo xilligaasi ku jiraan saddexda qof ee dhaawac ah.

“Markii mashiinka uu qarxay wuxuu dabka ku faafay meesha, Saaladii iyo qalabkii dhan waa gubteen waxaa meesha ku xayirmay shaqaale caafimaad oo runtii aad iyo aad uga walwalnay. Markii koowaad waa soo badbaadinay waxaana loola cararay Digfeer,” ayuu yiri.

“Waqti dheer waxaa ku xayirna shaqaalihii caafimaad ee Saaladda ka shaqeynayay, waxaa badbaadiyay Ilaahay ayaa badbaada iska leh maamulka gobolka Banaadir iyo Booliska gobolka Banaadir oo gurmad xoog leh noo fidiyay.”

Dabka ka kacay Isbitaal Martiini ayaa sababin wax dhimasho ah sida uu sheegay agaasimaha, waxaana uu khasaaraha ku koobna gubasho soo gaaray qeybo kamid ah Isbitaalka iyo qalabkii yaalay.

“Waxaan u mahad-celinayaa dhamaan inta soo gurmatay, wasaarada caafimaadka oo uu ugu horeeyo wasiir Dr. Cali Haji Adam, maamulka gobolka Vanaadir, taliska booliiska Soomaaliyeed iyo taliska booliska gobolka Banaadir.”

Hoos ka daawo muuqaalka