Caabudwaaq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka qarxay gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyay ciidamada booliska degmadaas iyo maleeshiyaad deegaanka ah.
Dagaalka ayaa ka dhacay aagga saldhigga cusub ee degmada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka..
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo xiisad soo kala dhex-gashay qaar kamid ah ganacsatada deegaanka iyo ciidamada booliska, taas oo soo socotay muddo laba bilood oo xiriir ah, waxaana haatan ay isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaa toos ah
Ganacsatada ayaa la sheegay in ka biyo diideen in albaabka booliska loo jeediyo dhanka xarumaha ganacsi, iyada oo booliskana uu arrintaas ku adkeystay, taas oo keentay inay isku dhacaan maleeshiyaad ku hayb ah ganacstada iyo ciidamada ammaanka.
Sida ay shegeen ganacsatada albaabka ayaa saameyn ku yeelanaya ganacsigooda, maadaama hakaas ay noqon doonto goob ciidan, iyaguna ay ku ganacsadaan.
Sidoo kale waxaa hoay arrinta u dhex-galay waxgaradka deegaanka, balse waxaa fashilmay dhammaan isku dayadii la sameeyay, taas oo keentay inay dagaalamaan labada dhinac.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkii maanta ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Dhnak kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka Caabudwaaq oo ku aadan dagaalka maanta ka qarxay halkaasi.
Cabudwaaq iyo deegaannada u dhow ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay isku dhacyada, waxaana halkaasi ku badan maleeshiyaadka hubeysan oo inta badan weeraro sababa dhimasho iyo dhaawac ka fuliya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.