Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka deegaanada Sabiib iyo Caanoole uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa AUSSOM oo dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid kadib weerarro ay kooxdu ku qaaday saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan ciidamada Uganda ee ku yaalla deegaannada Sabiib iyo Caanoole.
Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada, taasoo dhalisay dagaal toos ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay gudaha u galeen labada deegaan, kaddib markii ay halkaas dib uga gurteen ciidamadii dowladda federaalka iyo kuwa Uganda.
Goobjoogayaal ku sugan aagga ayaa sheegay in dagaalku weli socdo, iyadoo aysan suurtagal ahayn in la helo xog rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaare ee ka dhashay iska horimaadka.
Xaaladda guud ee deegaannada Sabiib iyo Caanoole, oo hoos taga degmada Afgooye ayaa weli ah mid kacsan, maadaama dagaalka uu weli halkaas ka socdo.
Labadan deegaan oo ku yaalla goob muhiim ah oo istiraatiiji ah ayaa dhowaan waxaa dagaal kula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM, waxaana dagaalkii hore ka dhashay khasaare baaxad leh.
Dowladda Uganda ayaa markaas shaacisay in toddobo askari oo ka tirsan ciidamadeeda ay ku dhinteen weerarkaas.

