Dagaal qaraaran oo caawa ka socda magaalada Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegaya in halkaasi uu caawa ka socdo dagaal xoogan oo Hubka noocyadiisa kala duwan leysu adeegsanaayo.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu u dhexeeyo ciidamo kawada tirsan dowlada kuwaasi oo ku dagaalamaaya Xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ay toogasho ku dileen laba Askari oo ah kuwa deegaanka, waxaana sidaa ku qarxay dagaalka oo ilaa iyo hadda socda.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in lagu kala furtay qoryo, waxaana iminka magaalada Jowhar ka socta rasaas xoogan.

Qeybo kale oo kamid ah magaalada Jowhar ayaa sidoo kale la sheegayaa in laga maqlaayo rasaas xoogan, iyadoo qeybahaasi la sheegaayo in isla ciidamada dowlada ay kasoo ridayaan rasaasta kuwaasi oo cabsi ka qaaday dagaalka socda.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka waxaana lasoo sheegayaa inuu sii xoogeysanaayo dagaalka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com