Gaari Caawa ku hor gubanaaya Madaxtooyada Somalia & Ciidamo farabadan oo wadada lasoo dhoobay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Nawaaxiga Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in iridka hore ee Madaxtooyada uu iminka ku gubanaayo gaari nooca raaxada ah.

Gaarigaasi ayaa la sheegayaa in waxyar ka hor inta uusan guban uu dhowr jeer ku hakaday agagaarka Madaxtooyada, hayeeshee markii danbe la arkay isagoo mar qura ololaaya.

Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada iyo kuwa NISA ayaa jaray gabi ahaan wadada, gaar ahaan nawaaxiga Hooyooyinka ilaa afafka hore ee Madaxtooyada iyagoo baaritaan kula dhaqaaqay gaarigaasi gubtay.

Goobjooge ku sugan goobta ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu ahaa mid ku socday xawaaro isla markaana uu ku dhacay mid kamid ah dhagxaanta ku hor go’an Madaxtooyada sidaana uu dab uga kacay gaariga.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in gaariga uu ka kacay dabka uu ka dhashay Sigaar uu cabaayay wadaha Gaariga sidaana uu dabka ugu faafay gaariga oo hortaagnaa Madaxtooyada Somalia.

Geesta kale, Ciidamo farabadan ayaa iminka hordhooban Madaxtooyada kuwaasi oo baaraya gaariga, inkastoo gubashada ay kasoo baxeyso warar is khilaafsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online