Salaad Cali Jeelle oo si cajiib leh kaga hadlay go’aanada Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Salaad Cali Jeele oo ah siyaasi si weyn  loo yaqaan ayaa ka hadlay amarada kasoo baxa dowlada uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud.

Salaad Cali jeele ayaa marka ugu horeysa si toos ah u weeraray Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna sheegay in amarada dowladiisa soo saarto xiligan aysan shaqeyn karin.

Wuxuu u sababeeyay in dowlada Xasan Sheikh mar hore uu waqtiga ka dhamaaday islamarkaana aysan dhaqan galayn amarada ay soo saaraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xiligan lagu gudo jiro xili doorasho, sidaasi daraadeedna ay macquul aheyn in lasoo saaraa amaro musharixiinta kale saameynaya.

Salaad Cali Jeele, ayaa soo jeediyay in laga shaqeyaa isbadal ka dhasha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com