Somaliland oo oo sheegtay inay dhibsatay hadal kasoo baxay Xasan

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu shaaca ka qaaday inay kasoo horjeedan Heshiisyada ay wadagaleen Shirkada DP-World iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Madaxweynaha Somalia uu faragalin kusoo sameeyo umuuraha Somaliland, waxa uuna arrin nasiib darro ah ku sheegay in Xassan Sheekh uu waxkama jiraan ku tilmaamo Heshiiska DP-World ee dekeda Berbera iyo go’aankii Kenya ee ahaa inay Somaliland u aqoonsan yihiin maamul gooleed katirsan Somalia.

Sacad Cali Shire, waxa uu sheegay in Xassan Sheekh iyo Dowladiisa aysan ka talin deegaanada ay maamusho Somaliland waxa uuna taa badelkeeda ugu baaqay inuu ku mashquulo Somalia oo la ciirciireysa Amni xumi iyo Musuq-maasuq.

Sacad Cali Shire, waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu faragalin ku sameeyay arrimaha Dekadda Berbera iyo xiriirka Kenya kala dhexeeya Somaliland, hayeeshee waxa uu sheegay in dhammaan qodobadaasi ay yihiin wax uu afka un ka dhahay Xassan Sheekh, balse aanu awood u laheyn in si toos ah uu faraha ula galo.

Isagoo arrintaani ka hadlaayay ayuu Wasiirka yiri ”Cadaadiska mawqifka iyo la dagaalanka dhinaca ictiraaf raadinta Somaliland ee Somalia wax inagu cusub ma aha, Madaxwaynaha Somalia wuxuu doono ayuu iskaga hadlay, hadalna waxba inagama qaadi karo, balse wada hadalada hadii aanay waxba inoogu jirin waynu ka tashan doonaa oo sidii kale ee aynu dan moodno ayaynu yeeli doonaa ,mar walbana waxay ku jirto danta dadka iyo dalkaba ayaanu yeeli doonaa”.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa Xassan Sheekh ku eedeeyay inuu ka shaqeynaayo qalqal galinta amniga iyo xasiloonida Somaliland, waxa uuna ka digay inuu kusii dhiirado faragalinta.

Haddalka Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan Dowlada Somalia ay is hortaag ku sameysay xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland iyo Heshiiskii ay Somaliland la gashay shirkada DP-World.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com